Faa’iidooyinka Jimicsiga
Jimicsiga joogtada ah waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad u sameyn karto caafimaadkaaga. jimicsigu waxa uu wanaajinayaa caafimaadka maskaxdaada, waxay kaa caawin kartaa maaraynta miisaanka, yaraynta halista cudurada, xoojinta lafaha iyo murqaha, waxayna hagaajisaa awoodaada inaad qabato hawl maalmeedka.
Dadka waaweyn ee fadhigoodu yar yahay oo sameeya xaddi
kasta oo jimicsi ah mid dhexdhexaad ah
ama mid xoog ah waxay helayaan faa'iidooyin caafimaad. Kaliya dhowr qaab
nololeed ayaa saameyn weyn ku leh caafimaadkaaga sida jimicsiga.
Jimicsigu wuxuu yareeyaa ama uu kaa ilaalinayaa
xanuuno badan oo khatar ku ah caafimaadkaaga, oo aan daawo lagaga bogsoonayn
leh. Waxaana kamida kuwan hoos ku qoran
1.
Cudurada
wadnaha
Xanuunada wadnaha iyo faaliga ayaa ah labada sababood
ee ugu badan ee keena dhimashada aduunka. Hadii aadan samayn wax jimisi ah
todobaadkii wuxuu caafimadkaaga khatar ku ah xanuunadan uu kamid yahay wadna
xanuunka iyo faaliga.
Sidoo kale jimicsigu wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska
dhiiga wuxuuna ilaaliyaa heerka kolestaroolkaaga.
2.
Macaanka
noociisa la dhaho type 2 DM
Jimicsigu wuxuu yareeyaa halista aad ku qaadi karto macaanka noociisa labaad, wuxuu aad uga shaqaysiiyaa hormone ka insulin ee hoos udhiga macaanka dhiiga ku jira.
Imisa nooc ayaa loo qaybiyaa jimicsiga?
Jimicsiga waxa loo qaybiyaa laba nooc oo Kala ah aerobic exercise (jimicsi oxygen ubaahan) iyo anaerobic exercise (jimicsi aan oxygen ubaahanayn).
A. Jimicsiga oxygen ta ubaahnay : waa jimicsi wakhti dheer ubaahan waxaana Mida:
- Socodka caadiga ah
- Dabaasha
- Baaskeel wadida
- Ciyaarta kubada
- Xadiga Ka boodka
B. Jimicsiga aan ubaahnayn oxygen ta waa jimicsi soconaya wakhti gaaban waxaana kamida:
- Qaadqaadida miisaanada culus
- Bush up ka
- Orodka cagaha wax laga dayo (Shanta fagax, bigta,laydh iska dhigid,haad noqosho,libidh iska dhigid) waa orodka lagu ordayo xawaaraha ugu sareeya
