6 Talooyin oo loogu talogalay gabowga caafimaadka qaba
Isticmaal oo samee 6-daan talo si aad u ahaato mid firfircoon oo ka madaxbanaan dadkale inta suurtagalka ah.
1. Cun oo cab cuno caafimaad qabta
Dooro cuno caafimaad qabta sida kudaarta, khudaarta, cuntada baalka leh, hilipka Bilaa baruurta ah, Caanaha aan dufanka lahayn, saliida laga sameeyo khudaarta iyo saliida kalluunka waa saliidaha aan fadhiisan xiliyada qabowga, sidoo kale biyahana aad ugu dadaal,
Iska ilaali cuntooyinka Tamarta badan laga hello ama yarayso sida bariiska, baastada, cuntooyinka aadka u macaan, jalaatada, jokolaydka, kafeega, khamriga , caanaha Subaga leh, burcadka, sixinka, xaydhaha, baruurta , hilipka baruurta badan leh, iyo saliid kasta oo fadhiisata xiliyada dhaxamaha. Sidoo kale iska ilaali cuntooyinka ay cusbadu ama milixdu ku badan tahay.
2. Socodka badso, fadhigana yarayso maalintii
Socodku wuxuu kaa dhigayaa qof firfircoon, jimicsigu wuxuu kaa ilaalinayaa dibna kaaga dhigayaa xanuunada joogtada ah ( chronic diseases). Wuxuu wanaajiyaa dheeli tiraa shaqooyinka jidhka gudihiisa kasocda iyo nafaqeeyayaasha gudaha jidhka. Sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa in uuu xanuun kugu dhaco iyo wuxuuna kor uqaadaa horumarinta maskaxda.
TALO | samee dhaqdhaqaaq jidheed dhexdhexaad ah, sida socodka, ugu yaraan 150 daqiiqo usbuucii (22-30 daqiiqo maalintii).
3. Ha isticmaalin Tubaakada
Haddii aad isticmaasho tubaakada,
u qaad talaabada ugu horeysa inaad joojiso
adoo dalbanaya caawimo BILAASH AH.
4. Hel Baaritaanno Joogto ah
Booqo dhakhtarkaaga si aad uga hortagto Khataraha soo socda, ma aha oo kaliya inaa bookhato marka aad tahay bukaan.Tani waxay ka hortagi kartaa cudur. Waana marka ay daawayntu leedahay waxtar badan.
5. Ogow Taariikhda Qoyskaaga
La wadaag taariikhda caafimaadka qoyskaaga dhakhtarkaaga kaasoo ku caawin kara.
Sababtoo ah waxa jira xanuuno hido raac ah ama layska dhaxlo, markaas soo raadi oo soo ogow xanuunadii ku dhici jiray famligaagii hore. qaado tillaabooyin looga hortagayo cudurrada daba-dheeraada.
6. La Soco Isbeddelada Caafimaadka Maskaxda
Qofkasta maskaxdiisu way isla beddeshaa da'diisa, laakiin asaasaaqu maaha qayb caadi ah oo gabowga ah.
La tasho dhakhtarkaaga haddii aad leedahay su'aalo ku saabsan xusuusta ama caafimaadka maskaxda.
Wixii dheeraad ah oo ku saabsan sida looga hortago cudurada dabadheeraada oo loo ilaaliyo caafimaadka qaab nololeedka, booqo www.anfachealths.blogspot.com/xanuunada.






