About me

Anfac health waxaan kusoo gudbiyaa xoggo iyo talooyin caafimaad

 

Anfac health waa website aan kusoo gudbiyo xogo kusaabsan caafimaad ka iyo talooyin sida nafadqada xanuunada kala duwan, hooyooyinka uurka leh, hooyooyinka nuujisada ah , caruurta, dadka waaweyn iyo dadka naafada ah ee kutiirsanayaasha ah, habka ugu fiican ee miisaanka loo dhimo sidoo kalana lookordhiyo sababtoo ah dadbadan ayaa qaada ama sameeya talaabooyin qaldan si ay miisaanka iskaga dhimaan ama u kordhiyaan taasoo u keena saamayn caafimaad waana sababta aan ANFAC HEALTH ugu magac daray.

Hadafka Shabakadan anfac health waa sidii loo heli lahaa cilmi ku filan qofkasta oo soomaaliyeed, maxaayeelay waxaanu jirta oo aanu aragnay in bulshada soomaaliyeed cunaan cunooyin dad soo warshadeeyeen kuwaaasoo lagu soo daray maadooyin farabadan oo ujeedooyin gooniya loogusoo doray iyo sidoo kale hooyoyinka uurka leh iyo kuwa nuujisada ah oon haysan wax daryeel caafimaada iyo sidoo kale caruurta oo iyana aan lahayn ama lasiinin daryeel caafimaad oo joogto ah ilaa ay koraan. Sidoo kale iyana waxa darxumo haystaa dadkii waa weynaa ee gaboobay iyo dadka naafada ah oo iyagu kutiirsan dad kale inay wax siiyaan.

Sidaas darted waxaan halkan umada soomaaliyeed ugu soo gudbinayaa barashada caafimaadka, talooyin ku horumarinayaan caafimaad kooda sidoo kalena cuntooyin caafimaad qaba ayaanu lasoo wadaagi doonaa.

Website ka anfac health waxaad kala soo xidhiidhi kartaa

Emailka> fasaxhaystemm@gmail.com

FG. Wixii ku saabsan casharada ka baxa shabakadan fadlan noogusoo dir contactiga kuyaala wajiga website ka adigoo galinaaya magacaaga, email kaaga kadibna fariinta aad soo dirayso ama emailka noogusoo dir.

Post a Comment