Halkan ka akhriso warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan xanuunka gastariga eek u badan dadka somaalida
Xanuunka gastariga (gastritis)
Gastritis
waa erey loo isticmaalo in lagu qeexo caabuqa Ku dhaca xuubka caloosha. Caabuqa
wuxuu dhacaa marka unugyada xuubka caloosha ay dhaawacmaan. Unugyada xuubka
caloosha qaarkood waxay soo saaraan xab difaac ah marka ay dhaawac maan xab yar
oo difaac ah ayaa lasoo saaraa taasoo ka dhigeysa in caloosha ay si ku filan
uga ilaalin weydo asiidhyada dheefshiidka.
Aysiidha
dheefshiidka faraha badan waxay sababtaa caabuq, taasoo suurtogal ah inay
keento nabaad-guurka xuubka caloosha iyo nabaro Ku samaysma gidaarka caloosha.
Sidaas
awgeed daaweynta ama ka saarida sababta asaasiga ah ee keentay caabuqa, daawada
waxaa loo isticmaalaa si loo baabi'iyo aysiidha caloosha oo la yareeyo qadarka
aysiidhda la soo saarayo si ay u caawiso caloosha inay bogsato.
Calaamadaha xanuunka gastariga I (gastritis)
Calaamadaha xanuunka gastritis-ku way ku kala duwan yihiin shakhsiyaadku, dadka qaar ma yeeshaan wax calaamado ah. Si kastaba ha ahaatee, calaamadaha ugu caansan waxaa ka mid ah:
v Lalabbo iyo matag
v Dibiro
v Calool xanuun
v Laab olol ama cuncun oo caloosha ah
inta u dhaxaysa cuntada ama habeenkii
v Cunto xuma (aamateed xumo)
v Matag dhiig la socdo
v Saxarada oo midab madow yeelata
Waxyaalaha sababa xanuunka gastariga (gastritis)
v Qaadasha mudo dheer daawooyinka
xanuun baabiyaha ah ay kamid yihiin asprin, ibuprofen, diclofenac, topfenac.
v Infection caloosha ku dhaca oo ay
sababtay bacteriyada la dhaho helicobacter pylori.
v Cunista cuntooyinka dufanku ku badan
yahay.
v Wakhtiga cuntada oonad ilaalin
v Cabitaanada sharaabada soodhaha leh
Note :
xanuunkan waa xanuun ku badan dadka soomaalida, sababtoo ah ma ilaaliyaan
wakhtiga cunista cunta, waa dad aad u isticmaala daawooyinka iyagoon dhakhtar u
qorinba waliba daawooyinka xanuun
baabiyaha ah, waa dad aad ujecel cuntooyinka dufanka leh ee baruurta iyo xaydha
badan iyagoon fahan sanayn dhibaatada ay leedahay. Fadlan haday warbixintan
kusoo gaadho xaafadiina ka bilow sidaad ku yarayn lahayd waxyaalaha sababa
xanuunkan una sheeg qof kasta .
