Nafaqodarada caruurta

 

nafaqodarada caruurta
NAFAQO DARADA CARUURTA
HORDHAC
Nafaqo-daradu waa xaalad caafimaad daro oo ay qofka ka maqanyihiin amase ku badanyiihiin nafaqooyinka ay ka midyihiin booratinka, kaarbohaydaraytka, macdanaha, fiitaminada, duxda iyo biyaha.
QAYBAHA NAFAQO-DARADA?
Waxa loo qaybiya laba nooc :
Nafaqada ilmuhu qaato oo yar tasoo ilamaha u horseeda xanuunada caabuqa ee caruurta ku dhaca (infections). Nafaqada ilmuhu qaatay oon isku dheeli tirayn oo ay u badan tahay mid ka mida nafaqooyinka sida duxda oo keenta xanuunada wadnaha, macaanka iyo beer-subagawga.
MAXA KEENA NAFAQO-DARADA?
In ubadku ayna helin nafaqo ku filan haday noqoto booratiinka, karboohaydarayt, macdanaha iyo fiitaminadaba. Xanuunada infekshanada ah sida oofta oo kale, dheefshiidka ilmaha oo yarada, shuban soo jiitamay oon waxba laga qaban iyo jadeecada.
WAX YAABAHA INTA BADAN CAWIYA NAFAQO-DARADA WAXA KA MIDA:
Fiqiirnimo iyo jahli Xanuunada sida qaaxada, Oofta, Shuban soo jiitamay, iyo Jadeecada Nadaafad darada iyo Fayodhawrka qofka oo xumaada Colaadaha iyo bulshooyinka oo barakaca Cunto yaraan soo wajahda bulshada
DHALLAANKA HALISTA UGU JIRA NAFAQO-DARADA
Qoysaska saboolka ah iyo ubadka walidkood dayacayDadka Difaaca jirkoodu hooseeyo Caruurta jedeecadu ku dhacdo Caruurta la ildaran xanuunada infekshanka Caruurta ku nool deeganada abaaruhu ka dhacaan
CALAAMADAHA NAFAQO-DARADA
Miisaanka oo hoos u dhaca Korniinka oo ka yar da’da uu yahay ilmuhuTimo qalalan, duuduban oo midabkooduna isbedelay,si fududna u go.aya. Ilmaha oo muqaalka daanyeerka yeesha ( baruurta dhabanku markay dhamato)Ilmaha oo daciif noqda Caloosha oo bararta Baruurta dabada oo dhamata( baggy pants) Ilmaha oo dabeecadu ka xumaato Oohin aan kala joogsan Maqaarka oo nabaro yeesha Abateetka oo ka xirma iyo shuban Calamadaha jadeecada Bararka lugaha
DHIBATOOYINKA CAAFIMAD EE NAFAQO-DARADA
Nafaqo-daradu waxay saameysaa korniinka jidhka iyo maskaxda ilmahaaga. Ilmaha nafaqo-darada la ildaran wuu hagaasa amaba ma koro (Dwarfism). Ilmaha nafaqo-daro qaba waxa dhib ku ah inay la socdaan waxbarashada dugsiga (poor IQ).Waxa kale oo ay u badan tahay inay xanuun ka bixi wayan sababta oo ah nafaqo-darada oo yareysa awoodda jidhku kula dagaalamo cudurada.Waxa ku badan xanuunada infekshanka ah had iyo goorale (recurrent infections)Waxa ku dhaca fuuqbax baahsan oo keeni kara dhimasho (Dehydration)
Caruurta nafaqo-daradu hayso waxa badanaa ku dhaca dhiigyaraan (Anaemia)
SIDEE LOOGA HOR TAGI KARA NAFAQO-DARADA.
In bulshada loo sameeyo wacyi galin baladhan iyadoo loo marinayo warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa calamiga ah. In bulshada halista u ah nafaqo-darada lagu booqdo guryahooda lana siiyo cuntooyinka nafaqada kor u qaada. In la talaalo caruurta aan talaalayn si looga hortago jadeecada oo aad ula xidhiidha nafaqo-darada.In waalidku la socdo xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ama dhakhtarka caruurta si looga war hayo xalada cafimaad ee ilmaha.
TALADA DHAKHTARKA EE WAALIDKA KU SOCOTA:
Ha ka joojin naasnuujinta ilmahaaga ila uu ugu yaran inta uu dhaafayo lix bilood Naasnuuji ilmahaga ugu yaran 8 jeer 24ka saacadood Ha siinin cunto kale ilmaha ila uu 6 bilood ka gaadho Ilmuhu haduu shubmo sii cabitaanka ORS iyo kiniinka zinc ( shuban daweeye)Hooyo ka fogow inaad biyo-dhiciso ama aad biyaha ka badiso cunada ama cabitaanka ilamahaga aad siinayid. Waxad ubadkaga ku nafaqayn karta waxaad helaysid sida khudrada ( liin macaanta, muuska, saytuunka) , beedka iyo cuntooyinka wadaniga ah sida galleyda iyo digirta iwm. Hadii aad aragto calamadaha kor ku xusan fadlan booqo goobta caafimaad ee kugu dhaw

2 Comments

Previous Post Next Post