Magaciisu waa joonis.... "Jaundice"
Noocan loo yaqaan Joonis casku waa Nooca ugu badan ee ku dhex faafa dadyawga iyo dadalka Soomaaliyeed, waana Nooca ugu sahlan ee laga dawayn karo bukaanka uu asiibo haddii marxaladaha koowaadba lagu arko qofka, ( Infectious).
Saas daraadeed marka noocan jooniska cas soomaalidu u taqaan asiibo qof, wuxuu bukaanku muujiyaa astaamo ah in labada indhood iyo meelo kalaba ay huruud noqdaan qofka bukahaa, saas daraadeed waxay soomaalidu Eray bixin ahaan u bixisay ama u adeegsatay, " joonis".
Waxa jira 5-nooc oo ah cudurka lagu magacaabo jooniska:- HAV, HBV, HCV, HDV iyo HEV, 5-tan noocba dhammaantood waa caabuq ku dhacayaa "xubinta xasaasigaa ee Beerka". 5-tan nooc-ba waxa keena oo sababa noolaha yar ee ili ma aragtaykaa ee loo yaqaano "Virus-ka🦠".
Marka laga hadlaayo siday u kala khatar badanyihiin 5-tan nooc, waxa kaalinta koowaad iyo tan labaad-ba ee khatarnimo ku jira, 2-da nooc ee HBV iyo HCV.
Nooca ugu halista badan 5-tan nooc ayaa lagu magacaabaa ama loo yaqaanaa jooniska cad "HBV". Jooniska cadi waa cudur dilaa ah oo si fudud u dili Kara aadamaha uu asiibo, wuxuuna cudurkani badalaa oo uu dhaawacaa ( kojiyaa ) xubinta mihiimkaa ee "Beerka" oo ah xubinta jidhka noolaha sunta ka difaacda ee qabta wax kastoo sun ah, lagana soo qashin saaro wixii sun ah.
Ugu danbayn wuxuu cudurkani sababaa Nooc kansarka ka mida ( Cancer ♋ ) oo ku dhaca Beerka oo looyaqaano "cirrhosis".
Cudurkan Joonis cadka waxyaabaha ugu waawayn ee la hubo ee uu ku fido waxa ka mida kuwan:-
1: Galmada ( Sexual transmission).
2: Shubida Dhiiga ( Blood transfusion ).
3: Dhunkashada ( Oral sex ).
Waxa jiro waxaaybo aan wali laysla xaqiijin oo kuwa ka mida saynisyahanadu ay qabaan in uu ku fido cudurkani, waxaana ka mida "Salaanta gacan qaadkaa, dhididka, iyo dareere kaste oo kasoo baxa jidhka aadamaha. Taas oo walaac badan ku abuurta mushtamaca aduunka ku nool suurtagalnimada lagaga bad-baadi karo cudurkan, haddiiba uu ku fidaayo salaantii gacanta ee tooska ahayd!.
Cudurkani waa cudur aan inta badan wax astaamaa laysku arag ama aanu qofku samaynayn oo qofku aanu hore u dareemin wax xanuun ah ama astaamaa isagoo qofku qaba cudurkan, "Asymptomatic".
Cudurkani waa mid waqti xaadirkan aad ugu badan dadka ku nool gobolada Somaliland guud ahaan.
Cudurkani waa cudur si xawli ah ugu fudiyaa Gobolada Somaliland oo dhan, waana mid aan cidi dareensayn fididiisa heerka aadka u saraysa ku fidaysa.
Talo soo jeedin:-
Cudurkani wuxuu leeyahay talaal la qaato 10-kii sanaba mar. Saas oo ay tahay waxaan kugula talin-lahaa inaad iska baadho marka hore oo Haddii aad iska waydo aad qaatato talaalkiisa lagaga hortago cudurkan.
19-9-2022
Mohamed Qalatar