WAA MAXAY CUNTO?
MAXAAD UTAQAANAA CUNTADA?Cuntadu waa walax kasta oo uu nooluhu cuno si uu uga hello nafaqeeyayaal. Cunada caadi ahaan waxaynu Ka helnaa dhirta iyo xayawaanka waxa ayna Ka kooban tahay 6 nafaqeeyayaal oo Kala ah kaarbohaydarayt, booratiin, dufanka, fiitamiinada, macdanaha iyo biyaha.
Cuntada markuu nooluhu cuno wuxuu Ka helaa Tamar, waxa Ku kora jidhkiisa, waxay ilaalisaa noloshiisa ooy bad baadisaa, waxa bogsiisa nabarada Ku dhaca.
Cuntadu waa waa daawo aan wax saamayn ah Ku keenayn caafimaadka.
Hadii aad dheeli tirto cunadaada oo ay Ka koobnaato 6 daas nafaqeeyayaal run ahaantii caafimaadkaagana wuu fiicnaanayaa lkn hadaadan dheeli tirin cuntada ood iska cunto uun ama nooc qudha aad waligaa cuntid oo cuno ah oo aanad samayn wax jimicsi ah runtii khatar ayuuu Ku sugnaanayaa caafimaadkaaga waxaana khatar ugu jirtaa xanuuuno badan oon daawo lahayn hada.
Marka aynu eegno somaalideena ma fahansana cuntadu waxay tahay kaliya waxay moodayaan in tii aad heshaaba ay kaa kaafinayso cuntooyinka kale.
Sidaas daraadeed waa sababta ay inoogu badan yihiiin xanuuunada Kala duwan EEE ay kamid yihiiin macaanka, dhiigkar Ka , beer subaga, kaliyo xanuunka, iyo xanuuuno kale oo badan.
Cunto kastaa kama wada koobna dhamaan nafaqeeyayaasha oo dhan lkn waxay qani Ku tahay nooc kamida nafaqeeyayaasha iyadoo ay kuyar yihiiin kuwa kale, taasina waa sababta aan kuu leeyahay cuntadaaada dheeli tir oo haka koobnaato cuntooyin Kala duwan.
Wadankeena ma soo saaro cuno wadani kuwada filan wadanka oo dhan. Wadan kastana cuntada ugu badan ee uu cunaa waa mid wadanka kasoo goday. Inaka hadaynu Somali lanahay cuntooyinka ugu badan ee aynu cuno miyi ilaa magaalo waa cunto wadan kale Ka timi taasoo warshadaysan Laguna daray chemicals si aaan wadamada kale uga faaaidaydan oo ayna ubeeran, cuntadaas waliba waa cuno u badan kaarbohaydarayt taas oo laga helo tamar.
Cuntooyinka dadkeenu aadka u cunaan waxa kamida bariiska, baastada, daqiiqda, makaroonaha, sonkorta, dhamaan tood waa cuntooyin laga helo tamarta eey Ku badan tahay taas waxa soo dheer waxay cunaan 3 wakhti ee cuntada la cuno iyagoo aan samaynay wax jimicsi ah.
Lasoco qaybaha kale oo Ku xidhnow shabakadeena www.anfachealths.blogspot.com
